Suuqa waxaa adeegsankara ama xubin ka noqonkara cidda ogolaata xeerarka boggan. Si aad Suuqa uga noqoto xubin dooro Xubnaha, kana sii dooro Diiwaan. Fadlan buuxi diiwaanka oo dhan adiga oo raacaya habka uu udiyaarsanyahay. Dhammaystirka kadib, waa in aad aqbashaa xeerarka bogga, kadib, aad diiwaangelisaa xogtaada. Sidaas, waxa aad ku noqonaysaa xubin.
Diiwaangelinta Ganacsiga
Marka aad noqoto xubin, waxa aad aaddaa Xubnaha/Kaydka Adiga oo qoraya ciwaanka adeegsade iyo fure ee aad ku kaydisay diiwaankii, waxa aad taabataa Kaydka. Marka uu kuu furmo bogga, waxa aad taabataa Ganacsi. Halkaas waxaa kaaga soo baxaya bogga Codsiga Ganacsiga. Buuxi dhammaan qaybaha codsiga. Marka aad codsato in aad ganacsi ka dhex samaysato Suuqa, Codsigaaga waa la hubinyaa. Waxaa kula soo xidhiidhaya shaqaalaha Suuqa. Si loo ilaaliyo danaha macaamiisha iyo xubnaha adeegsada bogga Suuqa, waxaa khasab ah in la hubiyo codsi walba oo lagu dalbanayo ganacsi. Shaqaalaha Suuqa ayaa hubinya codsiga, kadibna go'aan ka gaadhaya. Waxaa muhiim ah in aad codsigaaga saxdo. Wixii khalad ah ee ku jira codsigaaga waxa ay sababaysaa in la diido codsigaaga.